Xukuumadda oo ka hadashay howlgalada ka socda degaano ka tirsan Gobolka Hiiraan

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa Maanta ka hadlay howlgalada ka dhan ah Al-shabaab ee ciidanka Xoogga Dalka ka fuliyeen Gobalka Hiiraan oo ka tirsan Hirshabeelle.

Wasiir Cabduqaadir oo shir jaraa’id qabtay ayaa waxaa uu boggaadiyey Ciidanka Xoogga dalka ee howlgalka ka wada Gobolka Hiiraan, isagoona ammaanay dowrka wanaagsan oo ay shacabka Gobalkaasi ka qaateen sidii Al-shabaab looga saari lahaa Hiiraan.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in Al-shabaab laga xoreeyay deegaano badan oo ka tirsan gobalka Hiiraan, oo markii hore ay ku sugnaayeen.

“Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay u guntadaan sidii aan isaga xoreyn laheyn Al-shabaab” waa sida uu hadalka u dhigay Wasiirka

“Wasaaradda Gaashaandhiggu waxa ay ku howlan tahay diyaarinta qorshe ballaaran oo guud ahaan dalka oo dhan looga xoreynaayo Al-shabaab” ayuu sii raacsiiyey hadalkiisa Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Federaalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur

Maalmihii lasoo dhaafay Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Maamulka Hirshabeelle ayaa howlgalo ka dhan ah Al-shabaab ka waday degaano ka tirsan Gobolka Hiiraan, waxaana  Shabaab la sheegay in laga qabsaday deegaano dhowr ah oo ku sugnaayeen

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor