Xukuumadda oo fariin Deg-deg kasoo saartay xaalad adeg oo ka jirta dalka

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda ee xilka sii-haya Xasan Cabdinuur Cabdi ayaa ku baaqay in si deg deg ah gurmad biyo dhaamin loo gaarsiiyo bulshada ku nool Gobolka Gedo.

Xasan Cabdinuur Cabdi ayaa sheegay in biyo la’aanta ka jirta qaar ka mid ah gobolada dalka ay keentay roobabkii deyrta oo aan weli ka da’in gobolada dalka, taasi  oo ka dhalatay biyo yari iyo abaaro ku dhuftay qeybo ka mid ah gobollada dalka.

“Abaarta waxa ay ku dhufatay deegaanno ku yaala Maamul Goboleedka Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland,  Hay’adda Unicef ayaa ka soo jawaabtay codsigii ahaa in dadka abaartu saameysay biyo dhaamin loo sameeyo, waxaana ay biyo dhaamin ka bilaawday afar magaalo oo gobolka Gedo ah oo ay ka midyihiin Baardheere, Buurdhuubo, Luuq iyo Doolow” ayuu yiri Wasiirka Tamarta.

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed inay gacan weyn ka geystaan sidii loogu gurman lahaa walaalaha Soomaaliyeed ee ay biyo la’aantu saameysay.

Abaar darran ayaa laga soo weriyay deegaanada Gobolka Gedo oo saameysay dadka iyo xoolaha, waxaana go’ay ceelasha biyaha laga heli jiray, ayna dadka heysato xaalad nololeed oo ay u baahan yihiin in si deg deg ah wax loogu qabto.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor