Xukuumadda iyo xubo ka tirsan M/Goboleedyada oo kulan yeeshay

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Soomaaliya Xil. Sadiiq Warfaa ayaa shir guddoomiyay kullan heer Wasiirro ah oo ku qabsoomay aalada Zoom-ka oo ay ka qay bgaleen Wasiirrada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowlad-Goboleedyada.

Kullanka ayaa waxaa uu la xiriiray dardargalinta Barnaamijka Baxnaano oo ah barnaamijkii u horreeyay ee Dowladda Soomaaliya ay taageerro dhaqaalo ku siinayso muwaadiniinta kuwooda ugu nugul.

Sidoo kale Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha DFS iyo kuwa dowlad Goboleedyada ayaa wadatashi ka yeeshay dadaallo ay Dowladda Soomaaliya ku gaarayso Qoysaska uu saameeyay Ayaxa.

“Kullankan qayb ka yahay wadashaqaynta dhow ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada DFS iyo Wasaaradaha Dowlad-gobolleedyada. Waxaana dhici doona kullan joogta ah oo si bilo ah u qabsoomi doona” ayuu yirin Wasiir Sadiiq Xirsi Warfaa.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media