Xukuumadda iyo wafdi ka socday WFP oo wada hadal ku yeeshay Magaalada Muqdisho

Wafdi ka socday Hay’adda cuntada adduunka WFP oo uu hogaaminayo u qaabilsanaha Soomaaliya ahna wakiilka cusub ee Hay’adda WFP Mr. Elkhidir Daluum oo dhowaan la magacaabay ayaa booqasho rasmi ah ku tegay Xarunta dhexe ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS waxaa wafdiga la socday ku-xigeenka Hay`adda WFP Mr. Baimankay Sankoh.

Wafdiga ayaa waxaa Xarunta dhexe ee Wasaaradda kusoo dhaweeyay, Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka xilgaarsiinta Wasiir Saciid Xuseen Ciid, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Xaamud Cali Xasan iyo qaar ka mid ah Agaasimayaasha Wasaaradda.

Wasiir Wasaaradda iyo wafdiga Hay’adda WFP ayaa waxaa ay ka wada hadleen inay iskaashadaan Wasaaradda iyo Hay’adda lana ballaariyo  wada-shaqaynta ka dhexeyso, xoojinta iyo dar dargelinta shaqooyinka gar gaarka ay hay’adda WFP ka ka wado gudaha Dalka Soomaaliya.

Wakiilka Cusub ee Hay’adda cunadda aduunka WFP ee Soomaaliya Mr. Elkhidir Daluum ayaa balan qaaday inay sii xoojin doonaan howlaha ay ka qabtaan Dalka Soomaaliya, isagoona tilmaamay inay fursad u tahay ka shaqeynta dalka Soomaaliya iyo u adeegida shacabka soomaaliyeed.

Ugu dambeyn Mr. Elkhidir Daluum ayaa waxaa uu kulanka ka sheegay inuu xoojinayo xiriirka dhinacyada horumarinta fulinta qorshaha qaranka Soomaaliyeed, isla markaana balan qaaday sii xoojinta howlaha ka wadaan Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor