Xukuumadda iyo Maamulka G/Banaadir oo Mashruuc Cusub kala saxiixday

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) iyo wasiirka shaqada iyo arrimaha Bulshada ayaa maanta Muqdisho ku kala saxiixday mashruuc lagu caawinayo dadka danta yer ee ku nool caasimadda.

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Sadiiq Warfaa oo duqa Muqdisho ku soo dhaweeyay xafiiskiisa ayaa sheegay in Mashruucan la soo marsiiyay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada, uu maanta ku wareejiyay maamulka gobalka Banaadir si loogu taakuleeyo dadka aadka u nugul ee ku nool gobalka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo ka mahadceliyay soo dhaweenta wasiirka ayaa sheegay in mashruucan wasaaradda ku wareejisay ay ku wareejin doonaan dadkii loogu talagalay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media