Xukuumadda iyo Maamulka G/Banaadir oo fariin u firtay Ganacsatada Soomaaliyeed

Wasiiru dowlaha wasaaradda ganacsiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye ayaa ka qeyb galay Bandhig Gobalka Banaadir iyo Rugta Ganacsatada Soomaaliyeed ay si waddajir ah ugu soo bandhigayeen halka uu marayo barnaamijka dib-u-dhiska waddooyinka ee Muqdisho.

Maamulka Gobolka iyo Rugta Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa sheegay inay doonayan in Ganacsatadu si weyn uga qeyb qaadaan dhismaha socda, is lamarkana lagu dhisayo waddooyin dhan 52Km oo Magaalada gudaheeda ah.

Wasiirka ayaa ku amaanay doorka ganacsatada Soomaaliyeed ee dib-u-dhiska dalka sidoo kalana waxaa uu bogaadiyey kaalinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed iyo Gobalka Banaadir.

Wasiiru dowlaha wasaaradda ganacsiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye, ayaa sheegay in tallaabadaani ay muhiim u tahay dhaq-dhaqaaqa ganacsiga isla mrkaana uu ganacsatada ugu baaqay inay si waddajir ah uga qeyb-qaataan dhismaha waddooyinka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media