Xukun lagu riday Shabakad ka tirsan Al-Shabaab oo ay Haweenay ku jirto

Deeqo Maxamed Qeyliye Sabriye, Cabdikariim Maxamuud Cusmaan iyo Maxamed Siid Cali Maxamuud ayaa loo xiray  july 19-keedii la shaqeynta Alshabaab iyo in ay ahaayeen koox wada degan oo ka shaqeysa Gudbinta iyo Keydinta Agabka Ciidan ee loo adeegsado dilalka gaadmada ah.

Deeqo Maxamed Qeyliye ayaa sheegtay in ay Alshabaab kaga biirtay  Shabeellada Hoose 2016, waxa ay Gunno ahaan u qaadan jirtay $150 bishiiba.

Bishii Ramadan ayay qaban jirtay howlaha ugu badan ee keydinta Hubka sida Bistooladaha, Bambooyinka Gacanta laga tuuro F1, Qaraxyada lagu xiro Gawaarida, kuwa lagu Aaso waddooyinka iyo Alaabta laga farsameeyo Qaraxyada.

2016 ilaa july Sanadkan waxa ay marti gelisay Nimankii ugu badnaa ee Alshabaab u fulinayay howlahooda Gurracan mana jirin mid kamid ah oo xarig Alle kula joogay Guriga ay Al-shabaab ugu kireysay Fulinta danahooda.

Deeqo ayaa lagu soo xiray labadaba waxa ayna hoy ka siisay gurigii loo qorsheeyay ee u joogtay sidii Hooyanimo aan la Ogeen dhagarta ku hoos Miliqsan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa cadeyn ahaan Maxkamadda u hor keenay Agab isugu jiro Hub iyo Qaraxya oo lagu soo wada qabtay eedeysanayaasha oo iyaga aasayay Qarax uu mid kamid ah  kaga dhintay Mid kalane kaga dhaawacmay, waxaa sidoo kale la dhageystay Qiraallada Dambiyadii ay galeen.

Maanta ayay Maxkamadda Go’aan ka soo saartay sedaxdan shaqsi, waxaana lagu kala xukumay Deeqo Maxamed Qeyliye Sabriye 15-sano Xabsi Ciidan ah , Cabdikariim Maxamuud Cusmaan 3-sano Cabsi Ciidan ah iyo Maxamed Siid Cali Maxamuud 20-sano oo xarig ah, sida uu u sheegay dhinacyada Dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalbka Sida.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media