Xukun lagu riday Askar dhac u geysatay Carwo ku taalla Magaalada Muqdisho

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukun ku riday Askar ka tirsan Ciidanka dowladda oo Carwo ku taalla degmada Hodan gaar ahaan Taleex ka qaatay Teleefano iyo agab kale oo electronic ah oo qiima ahaan ku kacayo $12945 Dollar.

Labada Askari ee dhaca geystay oo lagu kala magacaabo Faarax Cabdullaahi Calasow Faaraxey iyo Maxamed Abshir Maxamed Camey ayaa Carwo kaah ee Taleex ka qaatay IPHONE,  SAMSUNG iyo agab kale oo electronic, kuwaasi oo ku kacayey lacag dhan $12945.

Laba Alifle Boliis Faarax Cabdullaahi Calasow “Faaraxey”  ayaa u gacan galay Ciidamada Dowladda labadii July oo isla xilligaasi lagu wareejiyay Hay’adda dambi baarista Boliiska CID. Baaris dheer kadib ciidamada amniga ayaa ku soo wareejiyay billowgii August sanadkan Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida.

Xafiiska xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida ayaa isku howlay sidii ay u samayn lahaayeen baaris kale oo ay ku xaqiijinayaan eedeymaha Boliiska, waxa ayna billowgii Oktoobar bishan codsadeen in la muddeeyo dhageysiga dacwad ka dhan ah Faarax Cabdullaahi Calasow “Faaraxey” iyo Maxamed Abshir Maxamed “Camey” oo maqana ah.

Sidoo kale Dable Asluub Maxamed Abshir Maxamed “Camey” ayay Maxkamadda amar soo qabasho iyo hor keenis maxkamadeed ah u jartay hay’adaha amniga 26-kii September sanadkan.

Garsoorayaasha Maxkamadda oo fursad u siiyay dhinacyada dacwadda kaalintooda Maxkamadeeda ayaa ugu dambayn maanta kuwada xukumay Faarax Cabdullaahi Calasow “Faaraxey”  iyo Maxamed Abshir Maxamed “Camey” oo maqana ah min 10 sano oo xabsi ciidan ah iyo bixinta qiimaha lacageed ee ku xusan Dambiga ay galeen sida dhinacyada dacwadda uu u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Garsoorayaasha heerka Koowaad ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanayaasha oo iyaga oo dhac u geysanayay Carwo kaah kasoo muuqday CCTV Carwada 29-kii June ee sanadkaan 2021 ayaa haysta fursad ay ku dalban karaan Rafcaan muddo ku siman 30 cisho.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor