Xubno ka tirsan Xafiiska M/Yurub ee Muqdisho oo laga helay COVID-19

Saddex qof oo kamid ah Xafiiska Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa waxaa la shaaciyay in laga helay Cudurka halista ah ee Coronavirus, kadib markii lagu ogaaday baaritaano lagu sameeyay.

Nicolas Berlanga oo ah Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in saddexda qof ee laga helay Cudurka lagu sameeyay baaritaano kala duwan, kadibna jirkooda laga helay Cudurka, sidaasina lagu karantiilay.

Sidoo kale Safiir Nicolas Berlanga ayaa waxaa uu tilmaamay in dhammaan xaalad karantiil ah la geliyay dadkii ay la kulmeen Saddexda ruux ee ka tirsan Xafiiska Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Isaga oo sii hadlaayay Safiirka ayuu tilmaamay in la qaadan doono tallaabooyinka Caafimaad ee Qaramada Midoobay, si looga hortego faafida Cudurka Coronavirus, sidoo kalena la badbaadin doono shaqaalaha ka shaqeya xafiiska Midowga Yurub.

Dhawaan ayay aheyd markii Cudurka COVID-19 laga helay Askari ka tirsan Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ee ku sugan dalka Soomaaliya, kaasi oo lagu karantiilay Xarun gooni ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media