xubno ka tirsan maamulka Galmudug iyo DDSI oo heshiis Wada gaaray

Colaad in muddo ah ka jirtey deegaanada ku teedsan xuduudda ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa heshiis laga gaaray.

Heshiiskan ayaa waxaa wada gaaray xubno ka tirsan maamulka Galmudug iyo dowlad deegaanka Soomaalida ee Ethiopia, waxaana  dagaalkaasi u dhexeeyay beelo kasoo kala jeeda labada dhinac.

Dagaalka u dhexeeya Beelahaas ayaa tiro dhowr jeer ah dagaalamay, waxaana degqaanka lagu dagaalamay dhawaanaahaan ka socday dagaallo goos goos ah oo ka dhacayay degaanada Xuduudka ku teedsan ee muranku ka taagnaa.

La-talaiyaha dhinaca amniga ee madaxweyneha Galmudug Jeneral Cabdi Jaamac Cabdulle Xabeeb ayaa kadib wada hadalkaasi ayaa warbaahinta la hadlay, waxana uu sheegya in Colaadaas lasoo gaba-gabeeyay, hadda kadibna ay beelahaasi ay  si nabad ah ku wada noolaan donaaan.

Waxaana  La-talaiyaha dhinaca amniga ee madaxweyneha Galmudug Jeneral Cabdi Jaamac Cabdulle Xabeeb uu sheegay in Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug,  Saraakiil ka tirsan Dowladda dhexe ee Itoobiya iyo Dowlad degaanka ay u istaageen in ay dhex-dhexadinta beelahaasi.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media