Xubno ka tirsan Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal oo gaaray Kismaayo  

Xubno kamida Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal(GHDHF), oo uu hoggaaminaayo guddoomiye ku- xigeenka GHDHF Abukaate Mowliid Mataan Salaad ayaa gaaray magaalada Kismaayo, waxana halkaasi kusoo dhaweeyay gudoomiye ku-xigeenka gudigga maamulka doorashada dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Cabdiqaadir Maxamud Dhaqane iyo xubno katirsan guddiga SEIT ee Jubbaland.

Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo ay si rasmi ah uga bilaabato doorashada Aqalka hoose ee Gollaha Shacabka Baarlamanka 11-Aad ee Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor