Xubno ka tirsan Alshabaab oo lagu dilay Gobolka Sh/hoose

Ciidanka kumaandooska XDS ee danab ayaa howgal qorsheeysan waxeey kasameeyeen degaanka Urunji oo hoostaga degaanka Janaale ee Gobolka shabeelaha hoose halkaasi oo Al-Shabaab u ahayd maxkamad ay dadka ugu yeeri jireen.

Howlgalka ayaa waxaa lagu dilay laba xubnood oo dowladdu sheegtag in Alshabaab ay u qaabilsanaayeen maxkamada iyo uruurinta lacagaha sida lagu daabacay warbaahinta dowladda.

Magacyada xubnaha Shabaabka ah ee la dilay ayaa lagu kala sheegay Cabdulaahi dhagool oo qaabilsanaa sakawaatka iyo shiikh Maxamed oo qaabilsanaa maxkamada kutaalay degaanka Ugunji ee gobolka Shabeellaha hoose,iyada oo ciidamadu ay toogteeb sadax dagaalame oo lasocotay kadib markii ay isku dayeen ineey dagaalamaan.

Taliyaha guutada 16-aad kumaandooska Xoogga dadka ee danab Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa u sheegay Idaacadda ku hadasha afka  Ciidamadda Qalabka Sida in Ciidanka kumaandooska ay siidaayeen dad Maxaabiis ahaan ay  u heeysteen Alsha aa sida uu hadalka u dhigay.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media