Xubin ka tirsanaa Al-shabaab oo isku dhiibay Ciidanka Dowladda

Taliska Booliska degmada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa duhurnimadii Maanta soo bandhigay dagaalame ka tirsanaa Al-shabaab oo isku soo dhiibay Ciidanka dowladda.

Dagaalamaha isku dhiibay Ciidanka ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdirisaaq Cabdullaahi Maxamuud oo loo yaqaanay (Xudeyfa), isagoona xusay inuu go’aan ku gaaray inuu isaga soo baxo Shabaabka, kuna biiro Ciidanka dowladda.

Taliska Booliska degmada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo oo wareysi ka qaaday Cabdirisaaq Cabdullaahi ayaa tilmaamay inuu la shaqeynayay muddo lix sano ah Al-shabaab oo uu ka tirsanaa oo ka howlgeli jiray Gedo.

Cabdirisaaq Xudeyfa ayaa waxaa uu sheegay inuu la shaqeyn doono Ciidanka dowladda Federaalka ee ku sugan Garbahaareey. Ma jiro wax war ah oo kaso baxay Al-shabaab oo ay uga hadlayaan dagaalamahan la sheegay inuu ka tirsanaa ee is dhiibay.

Si kastaba Saraakiisha dowladda ayaa horey u soo bandhigay Saraakiil iyo xubno ka tirsanaa Al-shabaab oo isku dhiibay Ciidanka dowladda ee ku sugan Gobolada dalka, halka Shabaabka dhankooda ay soo bandhigeen Ciidamo ay sheegeen inay goosteen dowladda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor