Xubin ka tirsanaa Al-shabaab oo iska dhiibay Magaalada Baladweyne

Saraakiisha Ciidanka dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa Milateriga qeybta 27-aad ayaa Maanta Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan kusoo bandhigay xubin ka tirsan Al-shabaab oo ay sheegeen inuu kasoo goostay.

Maxamed Cabdullaahi Axmed oo loo yaqaano Gacma dheere oo ah Wiil dhalinyaro ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Milateriga qeybta 27-aad ee ku sugan Baladweyne, waxaana uu sheegay inuu in muddo ah la shaqeynayay Al-shabaab.

Gacma dheere oo wareysi bixiyay ayaa sheegay inuu u adkeysan waayay dhibaatada Al-shabaab ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed, isla markaana xusay inuu go’aan ku gaaray isku dhiibista Ciidanka dowladda Federaalka.

Isaga oo sii hadlaayay Maxamed Cabdullaahi ayuu tilmaamay in meelaha uu kasoo shaqeyay ay kamid tahay deegaanka Caad ee Gobolka Mudug, wuxuuna sheegay inuu xiriir lasoo sameeyay Ciidanka ku sugan Baladweyne, kadibna lasoo dhaweeyay.

Si kastaba Saraakiisha Ciidanka dowladda Federaalka ayaa horey dhowr jeer u soo bandhigay Saraakiil iyo xubno ka tirsanaa Al-shabaab oo ay sheegeen inay soo goosteen, iyagoona ugu baaqay dhalinyarada inay ka faa’iideystaan Cafiska Madaxda u fidisay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor