Xoogagga Ahlu-Sunna oo ka jawaabay warar saacadihii lasoo dhaafaay laga faafiyay

Xoogagga Ahlu-Sunna ayaa beeniyay warar laga faafiyay oo ku aaddanaa in ay diideen in ay wada hadala la furaan Dowaldda dhexe iyo Maamulka Galmudug, kuwaasi oo saacadihii lasoo dhaafay si weyn la iskula dhex-marayay.

Cabdi Salaan Aadan Xuseen oo ah madaxa Siyaasadda Ahlu Sunna ayaa shegay in aysan jirin cid wada hadal lafurtay iyo cid meesha ay joogaan ugu timid toono, waxaana uu wararka la faafiyay uu ku sheegay kuwo wax kama jiraan ah oo dano siyaasadeed laga leeyahay.

Mas’uulka u hadlay Ahlu-Sunna ayaa intaa kud aray in  dadkii ay ka sugayeenw ada hadalka ee Culumaa’udiinkii iyo waxgaradku aysan jirin wax wada hadal ah ama xal ah oo si toos ah loo horkeenay.

Hadalka kasoo yeeray mas’uulka ka tirsan Ahlu Sunna ayaa kusoo aadaya iyadoo warar soo baxayay ay sheegayeen in saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya oo dhexdhexaadin ka dhexwaday mamaulka Galmudug iyo Ahlu sunna ee ku sugan deegaanka Bohol oo u dhow magaalada Dhuusamareeb,ay dadaalladaasi ku soo dhamaadeen guul darro kadib markii sida ay sheegeen mas’uuliyiinta howsha ku jiray ay dhinicii Ahlu sunna wax ka socon waayen halka dhanka madaxweynaha Galmudug Axmd Cabdi Kaariye Qoorqoor uu ka oggaaladay waan-waanta ay wadeen wafdiga saraakiisha ah, inkastoo hadalkaasi ay Ahlu Sunna beniyeen.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor