Xoghayaha Guud ee QM shaaca ka qaaday in Caalamku uu halis ugu jiro adeegsiga hubka Nukliyeerka

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ka digay in caalamku uu halis ugu jiro in la isu adeegsado hubka nukliyeerka, taas oo ay sababi karto, dal si khaldan u xisaabtama ama tallaabo ka dhalata isfaham la’aan dhex marta dalalka ku hubaysan hubka Nukliyeerta, taas oo halis gelin karta jiritaanka aadamaha, isaga oo tusaalo u soo qaatan xiisadda Nukliyeerka ee ka taagan qaaradda Aasiya, Bariga Dhexe iyo xataa dalka Ukraine.

Xoghayaha Guud ayaa digiin culus ka jeediyey furitaanka shirka heerkiisu sarreeyo ee lagaga hadlayo dib u eegis lagu sameeyo heshiiska taariikhiga ah ee xakamaynta faafista hubka Nukliyeerka ee loo yaqaano Nuclear Nonproliferation Treaty, kaas oo haatan 50 sano jirsaday.

Dalalka Maraykanka, Japan, Jarmalka, madaxa hay’adda xakamaynta faafinta hubka Nukliyeerka ee Qaramada Midoobay iyo madax kala duwan oo shirkaas ka qaybgashay ayaa sidoo kale ku dheeraaday inay iftiimiyaan halista sii kordhaysa ee ka imanaysa faafista hubka Nukliyeerka ee caalamka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor