Xoghayaha caafimaadka ee Britain oo ka hadlay amaro culus oo la xariira Covid19

Xoghayaha caafimaadka ee Britain Sajid Javid, ayaa meesha ka saaray in baasaboorka tallaalka coronavirus lagu soo rogi doono England.

Wuxuu BBC -da u sheegay inuusan horay u jeclayn fikirka ah in dadka lagu amro inay wataan baasabooradooda si ay u tagaan maqaayadaha ama goobaha lagu caweeyo.

Balse wuxuu yiri cudurka safmarka weli ma tagin oo baasaboorada tallaalka waa in la keydiyaa.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ku eedeeyay dowladda in ay ka weecatay arrintan. Baasaboorada caafimaadka waxaa loogu talagalay in lagu muujiyo in dadku aysan qabin safmarka Covid-19.

Sajid Javid ayaa BBC -da u sheegay: “Ma ahan inaan wax u sameyno danteeda aawadeed.”

“Waan ku faraxsanahay inaan dhaho ma sii socon doono ama aan joojiyo.” Waxaa loo malaynayay in qorshahan oo dhaleeceyn kala kulmay xildhibaannada qaarkood la soo bandhigi doono dhammaadka bishan.

 

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor