Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka ku wajahan dalka Kenya

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa u safraya dalka Kenya, halkaas oo uu kaga hadli doono colaadda ka taagan dalka ay deriska yihiin ee Itoobiya.

Muwaadiniinta Maraykanka iyo UK ayaa loo sheegay inay ka baxaan Itoobiya “inta ay diyaar yihiin duulimaadyo ganacsi”, sida uu sheegay wasiir ka tirsan Britain.

Taladan ayaa la soo saaray iyada oo xoogagga fallaagada ah ee ka soo jeeda waqooyiga gobolka Tigray ay u muuqdeen inay u dhaqaaqi karaan dhanka caasimadda, Addis Ababa.

Sannad ka dib dagaalka sokeeye, waxaa sii kordhaya dareenka walaaca dibadda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor