Xisbiyo taageeray Go’aano ay qaadatay Dowladda Federaalka

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Cali Maxamed Geeddi, Salaad Cali Jeelle iyo C/llaahi Sheekh Xasan oo madax ka ah xisbiyo siyaasadeed dalka ka jira ayaa ka hadlay tallaabooyin kala duwan oo ay qaaday Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Saddexda siyaasi oo si wadajir shir Jaraa’id warbaahinta ugu qabtay Muqdisho ayaa marka hore ka hadlay shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo Somaliland uga socda dalka Jabuuti, kaasi oo marti-geliyay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Waxaa ay saddexda siyaasi soo dhaweeyeen wada-hadalka Dowladda iyo Somaliland, iyagoo sheegay in wada-hadalkaas uu yahay mid muhiim ah, isla markaana labada dhinac ay uga wada hadleen arrimo kala duwan.

Sidoo kale Cali Geeddi, Salaad Cali Jeelle iyo C/llaahi Sheekh Xasan ayaa waxaa ay soo dhaweeyeen Go’aankii ay qaadatay Dowladda ayna Axmed Madoobe ugu aqoonsatay Madaxweynaha KMG  ah ee Jubbaland muddo labo sanno ah.

Siyaasiyiintaas ayaa sidoo kale soo dhaweeyay dedaalada lagu raadinayo matalaadda Gobalka Banaadir iyo qorshaha Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu shirka ugu Casuumay Madaxda dowlad Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir.

Ugu dambeyn Cali Maxamed Geedi, Salaad Cali Jeelle iyo C/llaahi Sheekh Xasan ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay u baahan tahay siyaasad-cad iyo tanaasul dhameystiran, iyagoona u mahadceliyay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxda Gobalka dadaalka ay ku bixinayaan dib u soo celinta Qaranimada Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media