Xisbiga Kulmiye oo ka hadlay go’aankii maxkamadda sare ee Somaliland

Xisbiga Kulmiye ee haya talada Somaliland ayaa ka hadlay go’aanka maxkamadda sare ee Somaliland ay ku furtay ururrada siyaasadda.

Maxkamadda sare ee Somaliland ayaa go’aan ka soo saartay arrinta furista ururrada siyaasadda,waxaana horay u jiray khilaaf xooggan oo ka dhex-dhashay Xisbiyada Somaliland, kadib markii Xisbiga talada haya lagu eedeeyay in dan gooni ah uu ka wato furista Urur siyaasadeedyada.

Maxkamaddu waxaa ay sheegtay in dacwadda la xiriirta furista ururrada ay laba toddobaad ka hor u soo gudbiyeen xubno tiradoodu gaarayso 24 oo siyaasiyiin ah.

Xubanaha dacwadda gudbiyey oo go’aanka maxkamadda soo dhaweeyey ayaa ku tilmaamay mid meel mariyey sarreynta sharciga.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland ahna guddoomiye ku-xigeenka koobaad ee xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin, ayaa ka hadlay  go’aanka ka soo baxay Maxkamadda sare ee Somaliland, waxaana uu sheegay in arrintu tahay mid dastuuri ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor