Xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka horyimid xilka qaadistii lagu sameeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Golihiisa Wasiirada.
Qoraal kasoo baxay Xisbiga Wadajir ayaa waxaa lagu sheegay in xilka qaadista Ra’iisul Wasaare Kheyre ay tahay mid sharci darro, isla markaana tallaabadaas Golaha Shacabka aysan u marin hab sharci ah oo Dastuurka u yaalla dalka waafaqsan.
Sidoo kale Qoraalka Xisbiga ayaa waxaa lagu xusay in Xisbigu aamisan yahay in sababta ugu weyn ee xilka qaadis Kheyre ay tahay carqaladeynta natiijada kasoo baxday Shirkii Magaalada Dhuusamareeb, sidoo kalena Ujeedka Madaxweyne Farmaajo uu yahay muddo kordhin sharci darro ah.
“Madaxweyne Farmaajo oo marnaba diyaar u mahan inuu ilaaliyo Dastuurka, heshiisyada siyaasadeed, wadajirka iyo xasiloonida dalka, wuxuuna wax kasto uga kacayaa kordhinta muddo xileedkiisa” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Xisbiga Wadajir.
Hoos ka Akhriso Qoraalka Xisbiga Cabdiraxmaan C/Shakuur uu soo saaray.