Xisbiga CC Shakuur oo War kasoo saaray Guddiyada Doorashooyinka 2020/21

Xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa Maanta war kasoo saaray Guddiyada Doorashada heer Federaal iyo heer maamul Goboleed ee lasoo magacaabay.

Qoraal kasoo baxay Xisbiga Wadajir ayaa waxaa walaac xoogan iyo kalsooni darro looga muujiyay xubnaha Guddiyada Doorashada ee 2020/2021, ayna soo magacaabeen Dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada dalka ka jira.

Xisbiga ayaa sheegay in inta badan xubnaha Guddiyada ay ka tirsan yihiin Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, halka kuwo kalena ay ku caan baxeen taageerida Madaxweyne Farmaajo iyo aflagaaddeynta Mucaaradka dowladda.

Sidoo kale Xisbiga ayaa Qoraalkooda ku sheegay in la dhinac maray heshiiskii ahaa in  Guddoomiyaha Aqalka Sare looga dambeeyo soo magacaabista Guddiga Doorashada ee Xildhibaanada Baarlamaanka ee kasoo jeeda Somaliland.

Ugu dambeyn Xisbiga Wadajir ayaa ku baaqay in dib loogu noqdo magacaabista xubnaha Guddiyada Doorashada heer Federaal iyo heer maamul Goboleed ee lasoo magacaabay, si loo waafajiyo shuruuda heshiiskii la gaaray.

Hoos ka Akhriso Qoraalka uu soo saaray Xisbiga Wadajir.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media