Xiliga uu furmayo kal-fadhiga 46-aad ee Baarlamaanka Puntland oo la shaaciyay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Goboleedka Puntland ayaa xalay shaaciyay xiliga uu furmi doono kal-fadhiga 46-aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo muddooyinkii dambe fasax ahaa.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoomiye Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa waxaa lagu sheegay in Kal-fadhiga 46-aad ee Golaha uu furmi doono Xilligiisii Dastuuriga ahaa ee 15-ka bisha soo socota ee June ee 2020.

Ajandayaasha looga hadli doono kulanka ugu horreeya ee Golaha Puntland ayaa waxaa qayb ka ah dibu eegista heshiiyada xukuumaddu ay gashay, isla xisaabtan, ansixinta xeerka xisaab xirka 2019, warbixinta gudida joogtada ah, ansixinta kalfadhiga 46-aad iyo qodobo kale.

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa waxaa loo diray fariimo loogu wargelinayo inay kasoo qeyb galaan furitaanka kal-fadhiga 46-aad si loo dardar geliyo shaqooyinka horyaalla Baarlamaanka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media