Xiliga hadal jeedinta Musharixiinta Aqalka sare ee Gobolada Waqooyi oo la shaaciyay

Guddiga Hirgelinta doorashada Labada Aqal ee Gobolada Waqooyi ayaa waxay ay shaaciyeen xiliga rasmiga ah ee ay dhacayso hadal jeedinta xubnaha musharixiinta ah ee u tartamaya kuraasta Aqalka sare ee Somaliland.

Xubnaha isdiiwaan galiyay ee u tartamaya kuraasta Aqalka Sare ayaa lagu wargaliyay inay maalinta berri ah ay Xarunta Afisyooni ka bilaaban doonto hadal jeedinta Musharaxiinta.

“Guddiga maamulka Doorashada kuraasta gobolada waqooyi Somaliland waxay ogaysiinayaan dhamaan musharixiintii isku diiwan geliyay tartanka Doorashada Aqalka Sare ee Somaliland in berrito oo ay taariikhdu ku beegan tahay 28-09-2021(Talaada) ay si rasmiya u  bilaaman doonto hadal jeedintii(khudbadihii) musharixiinta.

Goobta: Xerada Afisiyoone Saacada: 8:00 Am, subaxnimo. Fadlan Waxa Laga codsanayaa musharixiinta in ay dhowraan wakhtiga” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Guddiga.