Xiliga ay dhaceyso Doorashada Aqalka Sare ee Jubbaland oo la shaaciyay

Guddiga hirgelinta doorashooyinka dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa soo saaray Jadwalka Doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ee laga soo dooranayo Jubbaland.

Qoraal ay soo saareen Guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in maalinta berri ay bilaabaneyso Diiwaan-gelinta Musharaxiinta u tartameysa kuraasta Xildhibaanada Aqalka Sare, ayna ku egtahay isla berri oo Arbaco ah.

Sidoo kale Guddiga hirgelinta doorashooyinka ayaa shaaciyay in doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka ee Jubbaland ay dhaceyso 29-ka July oo ku beegan maalinta Khamiista, sida ku Cad Jadwalka lasoo saaray.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Maanta soo gudbiyay liiska Musharaxiinta qeyb ka mid ah Kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xubnahan lasoo gudbiyay ayaa ah afar kursi oo lagu tartami doono, waxaana dib ugu soo laabtay Tartanka Senator Fartaag, Ilyaas Gaboose, iyo Senator Iftin Xasan Baasto.

Hoos ka Akhriso Jadwalka Doorashada ee lasoo saaray.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor