Xiliga ay dhaceyso Doorashada Aqalka Sare ee Hirshabeelle oo la shaaciyay

Guddiga hirgelinta doorashada  Maamulka Hirshabeelle ayaa soo saaray Jadwalka doorashada xubnaha Aalka Sare Baarlamaanka Federaalka ku metelaya maamulka Hirshabeelle.

Qoraal ay soo saareen Guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in maalinta berri ay bilaabaneyso Diiwaan-gelinta Musharaxiinta u tartameysa kuraasta Xildhibaanada Aqalka Sare, ayna ku egtahay isla berri oo Khamiis ah.

Sidoo kale Guddiga hirgelinta doorashooyinka ayaa shaaciyay in doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka ee Hirshabeelle ay dhaceyso inta dhexeeysa 13- September illaa 15-ka Bisha, sida ku Cad Jadwalka lasoo saaray.

Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa Maanta soo gudbiyay liiska Musharaxiinta Kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana Musharaxiinta ay tirro ahaan gaarayaa 33 Musharax.

Kursiga ugu adag ee doorashada Aqalka Sare ee Hirshabeelle ayaa ah kan haatan uu ku fadhiyo Senatar Muuse Suudi Yalaxoow, waxaana kula loolami doona Afar Musharax oo kala ah Cabdullaahi Sh Xasan, Axmed Daaci, Muxudiin Xasan Afrax  iyo Dr. Xasan Cadaay

Hoos ka Akhriso Jadwalka Doorashada ee lasoo saaray.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor