Xildhibaano kulan Deg-deg ah ka yeeshay shaqo joojinta Maamulka Buulo-burte

Xildhibaano ka tirsan dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa isugu yimid kulan deg deg ah oo looga hadlay Go’aankii Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle uu shaqada uga joojiyay Maamulka degmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan.

Xildhibaanada ayaa waxaa ay sheegeen in wax laga xumaado ay tahay Go’aankii uu gaaray Madaxweyne ku-xigeenka Yuusuf Axmed Hagar Yuusuf Daba-geed ee uu shaqada uga joojiyay Maamulka degmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan.

Xildhibaanada Hirshabeelle ee kulmay ayaa Yuusuf Daba-geed ku eedeeyay inuu khalalaaso ka bilaabay degmada Buulo-burte, iyagoona sheegay in Go’aanka uu gaaray sababay xiisad cusub.

Sidoo kale Xildhibaanada ayaa ugu baaqay Madaxda Hirshabeelle inay si Deg-deg ah dib shaqadooda ugu fasaxaan Maamulka degmada, ayna dooneynin in xaalad lamid ah tan Baladweyne ka jirta oo kale laga abuuro Buulo-burte.

Ugu dambeyn Xildhibaanada ku shiray Magaalada Muqdisho ayaa Madaxda Maamulka ka dalbaday inay dib ugu laabtan Caasimadda Hirshabeelle ee Magaalada Jowhar oo ka maqan yihiin.

Si kastaba Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Yuusuf Axmed Hagar Yuusuf Daba-geed ayaa shaqo joojin ku sameeyay Guddoomiyihii Buulo-burte Feysal Xaaji Aadan iyo labadiisa ku-xigeen, sababo la xiriirka khilaaf muddooyinkii dambe ka dhexeeyay…

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor