Xildhibaano ka tirsan K/Galbeed iyo Hirshabeelle oo Dacwad lagu soo oogayo

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa Dacwad kusoo oogeysa Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanada  Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay ku lug yeesheen dagaal beeleedkii ka kacay Degmada Wanla-weyn.

Guddiga isku dhafka ee ka socday Dowladda Federaalka iyo Koonfur Galbeed ayaa soo saaray Go’aanada Dacwada loogu soo oogayo
Xildhibaanada, Sarkaal Ciidan iyo Guddoomiyihio Degmada Wanla-weyn.

Xildhibaanada lagu eedeeyay inay ka qeyb qaateen dagaalkii Wanla-weyn ayaa waxaa kamid ah Xildhibaan Aadan Cabdi Faarax kala dire oo ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle iyo Xildhibaan Mayow Mustaf Xasan oo ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed iyo Ex Xildhibaan hore Maxamed Taraafiko.

Sidoo kale Xildhibaanada ayaa waxaa la faray inay jawaabaan su’aalo laga weydiino dhacdooyinkii Wanla-weyn, waxaana Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle loogu baaqay in inay sharciga u diraan xubnahaas.

Waxaa kaloo amar lagu bixiyay in Guddoomiyihii Wanla-weyn ee shaqada laga joojiyay Maxamed Siidow C/raxmaan la keeno Muqdisho, isla markaana baaritaano dheeraad ah lagu sameeyo oo ku aadan Colaadii halkaas.

Salaad Tifow abaanduulaha guutada 7-aad ee Ciidanka xoogga dalka ayaa waxaa isna waxaa la faray inuu hortago maxkamadda Ciidamada si loo weydiiyo Su’aalo dhowr ah

Ugu dambeyn Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa waxaa la faray inay gacanta kusoo dhigaan Cabdi Nuunow Afweyne oo ah horjooye hogaaminayay maleeshiyo beeleed ku dagaalamay degmada Wanla-weyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media