Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka iyo Ururka la magac baxay Macwiisleyda oo kulan ku leh deegaano ka tirsan Gobolka Sh/dhexe

Wararka naga soo gaaraya Degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe gaar ahaan deegaanka lagu magacaabo Xaaji Cali oo hoosta degmadaas ayaa waxa ay sheegayan in halkaasi uu ka socdo  kulan ay leeyihiin Ururka la magac baxay ee Macwiisleyda iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka.

Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galaya Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle iyo xubno kale oo socda Gobolka Shabeellaha Dhexe,kaasi  oo deeq lagu siinayo Ururka Macwiisleyda  oo Al-Shabaab kula dagaalamay deegaano hoostaga Degmada Cadde.

Wariye Saleeyman Xaaji Axmed Raagi oo ka tirsan Warbaahinta Dalsan oo ku sugan goobta uu kulanka ka socdo ayaa soo sheegaya in kulan uu yahay mid Deeq lagu gudoonsinayo Macwiisleyda,kadib markii dagaal culus ay la galeen Al-shabaab.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa in kulanka kadib Xildhibaanada Baralamaanka iyo madaxda ka socoto Hirshabeelle ay deegaanka Xaaji Calle kulamo gooni gooni ah kula yeeshan Ururka la magac baxay Macwiisleyda,si ay u dhiira geliyan Ururkaasi.

Dhawaan ayay aheyd markii Ururka lamagac baxay Macwiisleyda iyo dagaalyahano ka tiran Al- Shabaab uu dagaal xoogan ku dhexmaray Degmada Aadn Yabaal oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe,kaasi oo sababay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media