Xildhibaano booqday deegaan uu ka dhacay dagaal Khasaaro geystay

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug ee deegaan doorashadoodu tahey Degmada Cadaado ayaa booqdey deegaanka Qalaanqale oo dhawaan ay ku dirireen Malashiyo beeleed ka sookala jeeda beelo walaalo ah oo deegaanka wada-dagan.

Xildhibaanada ayaa la kulmey saraakiisha Ciidamada dawlada Soomaaliya iyo kuwa Galmudug ee kulala dhexjira Malayshiyada labada beelood waxayna ku booriyeen shaqada adag oo ay hayaan.

Sidoo kale waxa ay deegaanka Xinjilab kula kulmeen Odayaasha dhaqanka, Waxayna ku wacyigaliyeen kashaqaynta Amniga iyo kugacan siinta saraakiisha Ciidamada shaqada adag oo ay hayaan.

Dagaal u dhexeeyay laba Maleeshiyo ayaa dhawaan waxaa uu ka dhacay deegaanka Qalaanqale ee duleedka Dhuusamareeb, kaasi oo geystay Khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac soo kala gaaray.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media