Xildhibaankii ugu horeeyay ee Soomaali ah oo kamid noqday Baarlamaanka Norway

Maryan Cabdi Xuseen oo ah gabar Soomaali ah ayaa xalay noqotay xildhibaankii ugu horeeyay ee Soomaali ah ee kamid noqda Baarlamaanka dalka Norway, iyadoona Maryan Cabdi dhigtay taariikh muhiim ah.

Maryan Cabdi ayaa la sheegay inay noqotay gabadhii ugu horeysay ee muslim ah oo iyada oo xijaab xiran ka dhex muuqan doonta golaha sharci dajinta dalka Norway, kadib markii ay xubin ka noqotay Golaha.

Maryan ayaa inta aysan siyaasadda galin aheyd guddoomiyaha Ururka Ardeyda Soomaaliyeed ee jaamacadaha Norway( Somalisk Student forening, SSF) oo uu kamid ahaa Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre dadkii aas-aasay 1993.

Qoraal uu soo saaray Xasan Kheyr ayuu ugu hambalyeeyay Maryan Cabdi Xuseen guusha ay gaartay, maadaama ay noqotay xildhibaankii ugu horeeyay ee Soomaali ah ee kamid noqda Baarlamaanka dalka Norway.

“Xildhibaanka cusub iyo dhamaan Soomaalida kunool Norway, waxaan u diriyaa hanbalyo ku aadan guusha taariikhiga ah” ayuu yiri Ra’iisul Wasaarihii hore ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor