Xildhibaankii labaad ee Golaha Shacabka oo lagu doortay Magaalada Muqdisho

Doorashada kursiga labaad ee tirsigiisu yahay HOP237 ee Golaha shacabka ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa kusoo idlaatay Xarunta Dugsiga tababarka Ciidanka Booliska dowladda Jeneraal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho.

Doorashada kursiga labaad ayaa waxaa ku tartamay laba Musharax oo kala ah Cabdiraxmaan Ismaaciil iyo Biixi Iimaan Cige oo afartii lasoo dhaafay ka tirsanaa Golaha Shacabka Baarlamaanka 10-aad ee waqtigoodu dhammaaday.

Biixi Iimaan Cige ayaa mar kale loo doortay inuu noqdo Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, kaasi oo ay doorteen 101 ergo oo lasoo xulay, isla markaana waxaa uu helay Codad gaaraya 91 Cod, halka Musharax Cabdiraxmaan uu isna helay 9 Cod.

Guddoomiyaha Guddiga doorashada Gobolada Waqooyi ee Somaliland oo shaaciyay natiijada ayaa sheegay in hal Cod uu halaabay, isla markaana uu doorashada kursiga labaad ku guuleystay Biixi Iimaan Cige oo horey uga tirsanaa Golaha Shacabka.

Biixi ayaa noqonaya Xildhibaankii labaad ee kusoo baxay doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee Federaalka Soomaaliya, waxaana Xildhibaankii ugu horreeyay noqday Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda xilgaarsiinta.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor