Xildhibaanadii ugu badnaa oo kulan xasaasi ah la yeeshay Madaxweyne Farmaajo

Xildhibaano tirsan baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya oo tiro ahaan gaarayay ku dhawaad 60-xildhibaan ayaa xalay kulan xasaasi ah la qaatay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyaga oo kala hadlay arrimo kala duwan oo quseya xaaladda dalka.

Kulankaan oo ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ah mid xildhibaanadu ay ka dalbadeen madaxweynaha waxaana si gaar ah looga hadlay xaaladda kala guurka ah ee dalka iyo sida loo maareynayo,iyo sidoo kale hirgelinta sharciyadii ay meel mariyeen golaha shacabka.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada ka qeybgalay kulankaas lana hadlay warbaahinta waxa ay sheegeen in uu ahaa mid ay uga tashanayeen sidii dalka ay uga dhici laheyd doorashoxor iyo xalaal ah iyada oo ay ku dhaceyso qof iyo cod maadaama ay golaha shacabku ansixiyeen sharciga doorashooyinka madaxweynaha Soomaaliyana uu saxiixo.

Kulanka Xildhibaanadaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ay la qaateen madaxweynaha Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli madaxweynayaasha maamul gobaleedyada kulan ay ku yeesheen magaalada Dhuusamareeb ay ku shaciyeen in doorasho qof iyo cod ah aysan ka dhici karin dalka,madada dowladda iyo kuwa maamul gobaledyadana ay shir looga hadlayo arrimahaas ay ku yeelanayaan Dhuusamareeb.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media