Xildhibaanadii laga joojiyay fadhiyada Golaha Shacabka oo Go’aan gaaray

15-kii xildhibaan ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ee laga joojiyay ka qeyb galka fadhiyada Baarlamaanka ayaa Maanta ka hadlay Warqadii xalay kasoo baxday Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Xildhibaanada oo goor dhow warbaahinta hadlay ayaa sheegay in aysan jirin wax sharci ah oo Guddoomiye Mursal u Cuskaday Go’aanka Xildhibaanada kulamada looga joojiyay, isla markaana uusan jirin xeer u ogolaanaya inuu gaaro Go’aankaas.

Xildhibaanada ayaa Guddoomiye Maxamed Mursal ku eedeeyay inuu meel uga dhacay xeer hoosaadka Golaha Shacabka, uuna ku xad-gudbay qodobo ku jira, isla markaana ku tuntay qodobka Xarunta Golaha Shacabka ka mamnuucaya in lala soo galo hub.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa tilmaamay in Guddoomiye Mursal uu Guddi Xildhibaano ah u sheegay in Ciidankii dharcadka ahaa ee shalay la geeyay Xarunta Golaha uu isaga dalbaday, uuna doonayo in Ciidamo dheeraad ah loo keeno.

Sidoo kale 15-kii xildhibaan ee laga joojiyay ka qeyb galka fadhiyada Baarlamaanka ayaa sheegay inay berri tagayaan fadhiga Golaha, ayna soo gaartay farriintii maanta Xildhibaanada loogu wargelinayay kulanka berrito.

Xildhibaanada ayaa intaas waxaa ay kusii dareen inay berri tagayaan fadhiga, isla markaana wixii halkaas ka dhaca uu mas’uuliyadeeda qaadi doono Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor