Xildhibaanada waqtigooda dhammaaday oo Maanta ansixiyay heshiisyo Caalami ah

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee xil-siigaarsiinta ah ayaa Maanta oo Arbaco ah waxaa ay kulankoodii caadiga ahaa ay ku yeesheen Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Ajendaha kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa uu ahaa ansixinta saddex heshiis oo Caalami ah, kuwaasi oo kala ah heshiiska Qaramada Midoobay ee La-dagaalanka Musuq-maasuqa iyo Heshiiska Midowga Afrika ee ka-hortagga iyo la-dagaalanka Musuq-maasuqa iyo  Heshiiska Carbeed ee La-dagaalanka Musuq-maasuqa.

Xildhibaanada xil-siigaarsiinta ah ee Golaha Shacabka ayaa cod tagaan ah u ansixiyay heshiisyadaas, kadib markii dood dheer ka yeesheen, waxaana ogolaaday 145 Xidhibaan oo goobjoog ka ahaa kulankii Maanta.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Iyo Arrimaha Garsoorka Xukuumadda Federaalka Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa ansixinta, kadib u mahadceliyey Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka.

Xildhibaanada Golaha ee waqtigoodu dhammaaday ayaa shalay ansixiyay Miisaaniyadda dowladda Federaalka ee sanadka soo socda ee 2021, kadib markii ay yeesheen kulan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media