Xildhibaanada oo Ansixiyey xubin kamid noqotay Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ayaa Maanta kulankii ugu horreeyay ee Kal-fadhiga 7-aad ku yeeshay Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa inta uu socday waxaa shir Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, isla markaana waxaa goobjoog ka ahaa 156 Xildhibaan.

Sidoo kale inta lagu guda jiray kulanka Golaha ayaa Xildhibaanadda waxaa ay codka aqlabiyad leh ku ansaxiyeen xubin ka mid noqonaysa Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka.

156 Xildhibaan ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Marwo Sacdiya Yuusuf Shuuriye oo maanta laga bilaabo si rasmi ah kaga mid noqoneysa Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka.

Ugu dambeyntii Sacdiya Yuusuf Shuuriye ayaa u mahadcelisay xildhibaanadda Golaha shacabka ee maanta u codeeyay in ay ka mid noqoto Guddiga Madaxa banana ee Doorashooyinka Qaranka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media