Xildhibaanada labada Aqal oo mar kale Maanta Su’aalo adeg weydiinaya Wasiir Beyle

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Arbaco ah mar kale kulan ku yeelan doona Xarunta Villa Hargeysa, Ajendaha kulankaas ayaa waxaa uu yahay Akhrinta labaad ee Miisaaniyadda dowladda ee sanadkaan 2022.

Xildhibaanada labada Aqal ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa sidoo kale sii wadi doona su’aalo weydiinta Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo maalintii shalay hortegay Xildhibaanada.

Wasiir Cabdiraxmaan Beyle ayey Xildhibaanada Baarlamaanka su’aalo adeg ka weeydiiyeen Miisaaniyadda dowladda Federaalka ee shanti sanno ee lasoo dhaafay, wuxuuna Wasiirka su’aalaha la weydiiyay ay doodo ka dhex dheliyeen Golaha.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa lagu eedeeyay in Wasiiraddiisa aysan xisaab xir sameeynin dowladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, in kastoo Wasiirka ku dooday in xisaab xir la sameeyay.

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulanka ay Maanta yeelanayaan kusii wadi doona su’aalaha ay weydiinayaan Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor