Xildhibaanada labada Aqal oo maalintii saddexaad Su’aalo adag weydiinaya Wasiir Beyle

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maalintii  saddexaad oo xiriir ah ku kulan ku yeelanaya Xarunta Villa Hargeysa, waxaana Ajendaha kulanka uu yahay Akhrinta 3-aad ee Miisaaniyadda dowladda ee sandka 2022.

Xildhibaanada labada Aqal ayaa maalmihii lasoo dhaafay su’aalo weydiinayey Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda xilgaarsiinta Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo hortagayey Xildhibaanada, iyadoo Wasiirka wax laga weydiinayey Arrimo ku aadan Miisaaniyadda.

Xildhibaanada ayaa Wasiir Cabdiraxmaan Beyle ku eedeeyay in uusan xisaab xir sameeynin dowladdii uu hoggaaminayey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, in kastoo uu Wasiirka ku dooday in Wasaaradda Maaliyadda ay sameeysay xisaab xir.

Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa si toos ah kaga jawaabayay su’aalo adeg oo ay weydiinayeen Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, iyadoona mararka qaarkood Wasiirka uu dood galayay Xildhibaanada Baarlamaanka.

Inta uu socdo kulanka Maanta ee Xildhibaanada ayaa waxaa lagu wadaa inay Xildhibaanada ansixiyaan Miisaaniyadda dowladda Federaalka ee sandkaan 2022, taasi oo ay u soo ansixiyeen Golaha Wasiirada Xukuumadda xilgaarsiinta ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor