Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Maanta kulan yeelanaya

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya  ayaa Maanta oo Sabti ah kulankoodii caadiga ahaa waxa ay  ku yeelanayaan xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Ajendaha kulanka ayaa ah aqrinta labaad ee hindise Sharciyeedka Maamulka iyo Maaliyadda (PFM),waxana ka qeyb geli doona Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale Dhameystirka dooda aqrinta labaad ee hindise sharcyeedka golaha mihnadlayaasha caafimaadka qaranka.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa xalay lagu wargeliyay in Maanta uu jiro kulanka Baarlamaanka,isla markaana ay ka soo qeyb galaan.

Hindise Sharciyeedka Maamulka iyo Maaliyadda (PFM) ayaa soo maray akhrinta koowaad,waxaana Maanta la filayaa in Xildhibaanada Golaha Shacabka ay marsiiyaan akhrinta labaad.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa todobaadkii waxa ay kulmaan Saddex jeer oo kala ah Sabti, Asniin iyo Arbaco marka laga reebo kulamada deg dega ah,waxaana haatan horyaalka Ajandayaal dhowr ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor