Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Maanta kulan yeelanaya

Xarunta Golaha Shacabka ee Magalada Muqdisho waxaa kulankooda caadiga ahaa Maanta ku yeelanaya xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya.

Ajandaha kulanka Maanta ayaa waxa uu yahay Aqrinta koowaad ee hindise sharciyeedka nashqadeynta magaalooyinka dalka,sida ay Dalsan u sheegeen Xildhibaano ka tirsan golaha Shacabka.

Xildhibaanada ayaa xalay lagu wargeliyay in Maanta oo abti ah uu jiro kulanka Baarlamaanka,isla markaana ay ka soo qeyb galaan.

Xildhibaanada Golaha shacabka oo weli ku guda jira kal-fadhigooda Afaraad ayaa waxaa kulamadii ugu dambeeyey ay uga doodeen xeer hoosaadka golaha Shacabka iyo Amniga waxaana sidoo kale horyaalla Ajandayaal kale iyo hindise sharciyeedyo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor