Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Maanta kulan yeelanaya

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta waxaa Isniin ah lagu wadaa in kulankii labaad ee Kal-fadhiga 7-aad ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Ajendaha kulanka ayaa waxaa uu yahay Akhrinta 2aad ee H/Sharciyeedka Nootaayooyinka, kaasi oo horey Akhrinta Koowaad loo marsiiyay, waxaana marka laga raabo Maanta sharcigaas u hartay hal maalin, iyagoo kadibna la ansixi doono.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa xalay waxa  loo diray fariimo ku aadan in Maanta uu kulan jiro, isla markaana laga doonayo inay soo xaadiraan kulankaas, si loo dardar geliyo howlaha shaqo ee horyaalla Golaha.

Xarunta Villa Hargeysa ayaa haatan ka socda qaban-qaabo ku aadan sidii uu u furmi lahaa kulanka, waxaana halkaas kusii qul-qulaya Xidlhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanada ayaa maalintii sabtida aheyd ee lasoo dhaafay kulankooda waxaa ay uga doodeen Sharciga Axsaabta oo kamid ah sharciyadda dalka oo Golaha laga doonayo inay ansixiyaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media