Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta Xarunta Villa Haegeysa ee Magaalada Muqdisho waxaa ay yeelan doonaan mid kamid ah kulamadoodii caadiga ahaa, kaasi oo Maanta ah mid xasaasi ah.
Ajendaha kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa uu yahay ka doodista Doorashada la filayo inay ka dhacdo dalka Soomaaliya sanadkaan 2020/2021, isla markaana Guddiga Doorashada uu hordhigay Baarlamaanka.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa xalay waxaa loo diray farriimo ku aadan inuu jiro kulan weyn, loogana baahan inay kasoo qeyb galaan si loo dardar-geliyo howlaha shaqo ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Xarunta Villa Hargeysan ayaa waxaa ka socda diyaar garoow ku aadan sidii uu u furmi lahaa kulankaas, waxaana Xarunta kusii qul-qulaya Xildhibaanada, si ay kula qeyb galaan Dooda Doorashada.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maalmihii lasoo dhaafay yeelanayay kulamo kala duwan, iyagoona tan iyo markii uu furmay Kal-fadhiga 7-aad ee Baarlamaanka ay Xildhibaanada ku ansixiyeen sharciyo kala duwan oo la horgeeyay.