Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Maanta Codka kalsoonida ah siinaya RW Xamse Barre

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo sabti ah waxaa ay kulan xasaasi ah ku yeelan doonaan Xarunta Villa Hargeysa oo ku dhex taalla Madaxtooyada Soomaaliya, kulankaas ayaa furmi doona saacadaha soo socda.

Ajendaha kulanka Xildhibaanada Golaha ayaa waxaa uu yahay kalsooni u qaadida Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ee Xukuumadda Federaalka Xamse Cabdi Barre oo Maanta hortegaya Golaha Shacabka, si Codka kalsoonida ah ay u siiyaan.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa goorsii horreeysay lagu wargeliyay inuu Maanta jiro kulanka Golaha, isla markaana looga baahan yahay inay kasoo qeyb galaan kulankaas qorsheysan oo lagu waday inuu qabsoomo Arbacadii lasoo dhaafay, balse dib u dhacay.

Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ee Xukuumadda Federaalka Xamse Cabdi Barre ayaa maalmihii lasoo dhaafay Magaalada Muqdisho ka waday kulamo gaar gaar ah oo uu la qaadanayey Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isagoona ka dalbanayey inay Codka kalsoonida siiyaan.

Xamse ayaa markii la siiyo Codka kalsoonida laga sugayaa inuu soo dhiso Xukuumadda cusub oo ay horyaalan shaqooyin dhowr ah oo laga doonayo inay qabtaan, wuxuuna Ra’iisul Wasaare Xamse xilka kala wareegi doonaa Maxamed Xuseen Rooble.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor