Xildhibaanada Golaha Shacabka oo la isugu yeeray kulanka kalsoonida siinta Xukuumadda

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maalinta berri oo Axad ah lagu wadaa inay kulan aan caadi aheyn ku yeeshaan Xarunta Xildhibaanada ay ku shaqeeyaan ee Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay Guddoonka Golaha Shacabka ayaa waxaa lagu sheegay in ajendaha kulanka berrito ee Xildhuibaanada Baarlamaanka uu yahay u codeynta kalsooni siinta Xukuumadda cusub ee maalmo kahor lasoo magacaabay iyo Barnaamijkeeda.

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa lagu wargeliyey inay kasoo qeyb galaan kulankaasi, si Codka kalsoonida loogu qaado Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, wuxuuna Xamse hortegayaa Xildhibaanada.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa Magaalada Caasimadda ee Muqdisho ka socday kulamo isdaba joog ah oo Wasiirada cusub la qaadanayeen Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka, iyagoona ka dalbanayey in la taageero Xukuumadda cusub.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa soo dhisay Xukuumad ka kooban 26 Wasiir, Wasiir ku-xigeeno iyo Wasiiru-dowlayaal, waxaana xubnaha Golaha Wasiirada kasoo dhex muuqday wadaadka Mukhtaar Roobow Cali Abuur Mansuur.