Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Goor dhow ansixiyay laba xubnood

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee muddo xileedkoodu dhammaaday ayaa haatan waxaa uu kulan uga socdaa Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Ajenadaha kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa uu yahay Cudurka halista ah ee COVID-19, U codeynta laba xubnood oo kamid noqonaya Guddiga Madaxa-banaan ee Xuduudaha.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo labadiisa ku-xigeenka ayaa kulankaan shir guddoominaya, isla markaana waxaa goobjoog ka ah 139 Xildhibaan.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ansixiyay laba xubnood oo kamid noqonaya Guddiga Madaxa-banaan ee Xuduudaha, kuwaasi oo kala ah Axmed Zeylici Muuse iyo Maxamed Cusmaan Cabdullaahi Xamza

136 Xildhibaan ayaa ogolaaday in labada xubnood ay ka mid noqdaan Guddiga Madaxa-banaan ee Xuduudaha, waxaana diiday saddex Xildhibaan, mana jiro Xildhibaan ka aamusay, sida uu shaaciyay Guddoomiye Mursal.

Kulanka ayaa waxaa ka maqan 15 Xildhibaan oo horey Guddoomiye Maxamed Mursal la joojiyay ka qeyb galka kulamada Baarlamaanka, kadib markii Xildhibaanada ay sameeyeen fowdo iyo buuq kulankii sabtida.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor