Xildhibaanada Golaha Shacabka oo dood adeg ka yeelanaya laba xeer

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Isniin ah waxaa lagu wadaa in kulan xasaasi ah ay ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Ajendaha kulanka Xildhibaanada ay kaga doodi doonaan ayaa waxaa uu yahay Xeerka Matalaada Gobolka Banaadir iyo Xeerka kuraasta Goboladda Waqooyi, waxaana kulankaas uu noqon doonaa mid xasaasi ah.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa xalay loo diray fariismo ku aadan inuu jiro kulan, isla markaana laga doonayo inay kasoo qeyb galaanka kulanka, si loo dardar geliyo howlaha shaqo ee horyaalla Baarlamaanka.

Labada sharci ay Xildhibaanada ka doodi doonaan ayaa waxaa uu kamid yahay sharciyo dhowr ah oo ay soo diyaareen Guddiga labada Aqal ee loo xilsaaray arrimaha dhameystirka sharciga Doorashooyinka ee dalka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media