Xildhibaanada Golaha Shacabka oo berri kulan yeelanaya

Xildhibaanada Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maalinimada berri ah waxaa ay yeelan doonaan Kulan weynihii Golaha Shacabka.

Berri oo Sabti ah oo ay Taariikhdu ku beegan tahay 27 March 2021  waxaa waxaa xildhibaanada lagu war galiyay in uu jiro  kulan weynihii Golaha Shacabka, waxaana farriin loo diray Xildhibaanada, iyadoo lagu war galiyay in 09:00 subaxnimo ay soo xaadiraan.

Agendaha kulanka ayaa looga hadli doonaa caabuqa Covid19, kaasi oo si weyn dalka u saameeyay, iyadoo ay jiraan Kiisas hor leh oo la diiwan galiyay.