Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ansixiyay Sharci la horgeeyay

Waxaa Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho ka furmay kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ah kii 14aad kalfadhiga 7-aad ee Golaha.

Kulanka ayaa waxaa Shir Guddoominaya Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Cabdiweli Shiekh Ibraahim Muudeey iyo Guddomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS Mahad Cabdalla Cawad.

Ajendaha kulanka ayaa kala ah

1- U codeynta hindise-sharciyeedka Golaha Mihnadlayaasha caafimaadka qaranka

2- Akh 2aad H/Sh Qareenada Soomaliyeed.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeedka Mijnadlayaasha Caafimadka Qaranka, Waxa Ogalaatay 131 Mudane Waxa Ka Aamustay 1 Waxa Diiday 5 Sidaas Ayuu Ku Meelmaray Sharcigan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media