Xildhibaanada Golaha degaanka Degmo ka tirsan Puntland oo Shuruudo lagu soo rogay

Xildhibaanadii Golaha deegaanka Qardho ee Gobolka Karkaar Puntland ee kusoo baxay doorashadii qof iyo Codka aheyd ee ka dhacday Magaaladaas ayaa waxaa lagu soo rogay shuruudo cusub oo laga rabo inay fuliyaan xubnaha Golaha deegaanka.

Warqad kasoo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Karkaar Cabdi Siciid Cismaan ayaa lagu shaaciyay shuruudaha cusub ee lagu soo rogay Xildhibaanadii Golaha deegaanka Qardho, waxaana shuruudaha ay ka kooban yihiin 12 Qodob.

Qoraalka Guddoomiye Cabdi Siciid ayaa waxaa lagu sheegay in Golaha deegaanka uu aysan ka mid noqon doonin ciddii aan buuxin shuruudahaas la rabo, isla markaana aysan ka qayb geli doonin doorashada Duqa degmada.

Shuruudaha waxa kamid ah; in qofku sumad wanaagsan leeyahay iyo in uu la yimaado Warqadda denbi la’aanta ee Waaxda CID-da, sidoo kalena uusan ka tirsaneynin ururo hubeysan, uuna bixiyo $300 Dollar oo Lacag diiwaan-gelin ah.

Qofka u sharraxan Duqa degmada Qardho ee Gobolka Karkaar Puntland ayaa isna laga rabaa $1000 Dollar oo diiwaan-gelina, halka ku-xigeenka Duqa laga rabo $500 Dollar oo diiwaan-gelin ah, uuna qofka noqdo mid sumad ku dhex leh Bulshada dhex-dheeda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor