Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland oo galay fasax kooban + sababta

Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Puntland ayaa galay fasax saddex maalmood ah, waxaana la qorsheeyay in maalinta sabtida ee soo socota ee July 17 2021 dib Golaha isugu soo laabtan fadhiga Baarlamanka.

Xildhibaanada ayaa loo fasaxay Akhrinta hindise-sharciyeedka dhawrista goobaha taariikhiga ah ee Puntland oo shalay loo qaybiyay, isla markaana sharcigaan uu Golaha u soo gudbiyay Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Sidoo hindise-sharciyeedka dhawrista goobaha taariikhiga ah ee Puntland ayaa waxaa lagu wareejiyay guddiga arrimaha bulshada, dhaqanka,warfaafinta iyo isgaarsiinta ee Baarlamanka, iyagoona Akhrin labaad ku sameeyn doona.

Dhinaca kale waxaa weli muran uu ka taagan yahay wax-ka-beddelkii lagu sameeyey Xeer-hoosaadka Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland, waxaana sii kordhaya Xildhibaanada ku kala qeybsamay wax-ka-beddelkii lagu sameeyey Xeer-hoosaadka.

Xildhibaano kooban oo taageersan Xukuumadda Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa la sheegay inay doonayaan in laga laabto wax-ka beddelka la sameeyay, inkastoo Xildhibaanada intooba badan isku raacsan yihiin wax-ka beddelkan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor